Tuesday, June 17, 2008

URURKA SYO OO DOOD CILIMIYEED KU QABTAY MAGAALDA QAAHIRA.


Waxaa lagu qabtay Wadanka Masar dood cilmiyeed ey soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ( SYO) ee laga soo gaabshay "Somali Youth Organization", dood cilmiyeedkan oo Ciwaankeedu ahaa" dhalinyarada Somaaliyeed dhibaatooyinka maanta iyo yadadiilada mustaqbalka" ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhalinyaro badan oo Jaamacadaha Wadankani masar dhameystay qaarna ay ku guda jiraan waxaa lagu furay dood cilmiyeedkan aayado quraan,uu aqriyay Cabdi Raxmaan Gurey Quraanka kadib ayaa waxaa la siiyay qudbad kooban isku xiraha Guud ee Ururka Dhaliyada somaliyeed Cabdi Raxmaan Tuuryare asigoo sharaxaad ka bixiyay Ururka xiligii uu bilowday iyo u jeedooyinka uu leeyahay waxaana uu sheegay in ujeedkooda ugu wayn uu yahay sidii dhliyarada Somaaliyeed la isugu xiri lahaa meelkasto ay joogaan loona midayn lahaa si markaas meesha looga saaro qabyaalada iyo kala qoqobnaanta haysata .

Cabdi raxaam waxaa uu sheegay Uruka dhaliyada Soomaaliyeed inuu xubin ka yahay Urur Gobaleedyo iyo Ururo caalami ah ayna ka qeyb galeen shirar badan oo ka dhacay dunida dacaladeeda ayagoo geeyay codka Dhaliyada somaaliyeed Goobihii ay ka dhaceen shirarkasi, Intaas kadib waxaa la siiyay hadalkii Shikh Yuusuf Xuseen jmcaalle oo ka hadlay qabyaalada iyo dhibaatada ay ku hayso dhaliyarada Soomaaliyeed asigoo sheegay in ay cibro ugu filantahay umada Soomaaliyeed 18 sano wax ay kala kulmeen Qabyaaladda.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Saalax Macalin (Saalax Dheere) oo ah Xogyaha guud ee Ururka isla markaana ahaay xiriiriyaha dood cilmiyeedka,wuxuuna ku booriyay dhalinyarada inay iskaashi iyo wax wada qabsi muujiyaan isla markaana ka fogaadaan Qabyaalad iyo waxii kal geynaya umadda asagoo sheegay inay dhalin yaradu lafdhabar u yahiin bulshada loona baahanyahay inay hormuud u noqdaan horumarka dalka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka C/llaahi Yusuf SH. Nur(khadar) oo ku soo dhaweeyay dood cilmiyeedkan dhalinyaradii ka soo qeyb gashay asigoo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasto oo umada Soomaaliyeed u horseedaysa wanaag ayna diyaar u yihiin in ay wax ku darsadaan lana midoobaan si dhibatada looga saaro dhalinyarada Soomaaliyeed loona helo dhaliyaro aaminsan in ay wax qabsan karaan daacadna u ah Dadkooda iyo Dalkaooda .
Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay dood cilmiyeedkan ayaa dhamaan isla gartay in ay muhiim tahay in la isla shaqeeyo lagana baxo qabyaalada aan dhamaadka lahayn ee haysata ayagoo soo dhaweeyay howsha ay bilaabeen Uruka Dhaliyarada Somaaliyeed kuna wada balamay in howsha la isla wado lana mideeyo dadaalada ay wadaan dhamaan bahda wax barata lana gacan qabto inta aan waxbaran ee ku dhaqaman Wadanka Masar si loo helo maskax wanaagasan ee wax fahmeysa waxaana uu ku dhamaaday dood cilmiyeedkii jawi wanaagsan ayadoo dhamaan dhalinyaradii ka soo qeyb gashay ay salaan isla dhex mareen ayadoo ay ka muuqatao farxad .

Ururka dhalinyrada Soomaaliyeed waxaa la aas aasay 2000 waana urur ka hawl gala dalal kala duwan oo ay ku badanyihii dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax barata sida Sudaan,Yaman, Masar,Maleesiya,Baakistaan iyo kuwa kale, sidoo kale waxey hawlo ka bilaabeen mar dhaw gudaha wadanka soomaaliya iyagoo ku hawlan dhisida xarumo lagu taba baro dhalinyarada laguna wacyi geliyo.





W/Q Da'uud Cali Sheekh

No comments: