Wednesday, July 30, 2008

URUKA DHALINYARADA SOOMAALIYEED"SYO" OO DOORTAY MAAMUL CUSUB KA DIB 5 SANO OO MAAMULKII HORE XILKA SOO HAAYAY



Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa doortay maa mul cusub kadib 5 sano oo uu xilka soohaayay maamulkii hore iyadoo uu ururku fulinayo waxa ugu qoran xeer hoosaadka iyo sharciyada ay kuwada shaqeeyaan ku waa oo qeexaya in shan sanoo kastaba maamul cusub la doorto ama kii hore loo cubooneysiiyo uruka.
27 bishaan july 2008 ayaa waxaa loo doortay in ay shanta sanoo soo socota hogaamiyaan dhalinyaro aqoonyahano ah oo intoodabadan cusub oo aanan ka mid aheyn maamulkii hore ee xilka wareejiyay iya doo ururku fursad siinayo Dhlinyarada firfircoon ku waa oo wax weyn ka bedeli kara hawlaha ururka iyadoo sidoo kale la tusaayo soomaalida iyo bulsha weynta caalamka iyo dhalinyarta loo shaqeynaayaba in aw san jirin maamul isku dhejinaaya waxii shalay loo dhiibtay taa oo beryahaan danbe ku yareed guud ahaan Afrika gaar ahaan Dalkeena Soomaaliya.
Gudoomiyihii hore ee "SYO" Cabdulaahi Yuusuf Sheikh nuur "khadar" ayaa mar uu ka hadlaayay xafladii xil wareejinta wuxuu yiri " inaga shalay xilkaan waa naloo dhiibay waan soo shaqeynay iyadoo cidna aysan mushaar nagu siineyn waxaan soo gaarsiinay ururkka meel ilaa xad lagu farxi karo maantana waxaan diyaar unahay in aan xilka idinku wareejino anagoon taa dhib u arag bal u aragna hor'umar iyo farxad waana wax aan lagu aqoonin mas'uuliyiintii hore ee dalkeena soomaaliya ilaa hal madaxweyne mooyee oo ah Aadan Cabdule Cusman"
Waxaa asna ka hadlay xaflada xoghayihii guudee hore ee "SYO" Saalax Macalin Abuubakr asigoo kadhawaajiyay in ay manta wax lagu farxo taghay in dhalinyaradii Soomaaliyeed si dimuquraadi ah xilka isagu dooranayaan ugana degayaan taa oo aan looga baran odayaasha ayuu yuri saalax dheere sidoo kale xoghayihii maaliyada ee hore c/qaadir cumar cusmaan ayaa meesha ka hadlay asigoo la dardaarmay mamulka cusub.


Waxaa ugu danbeyntii halkaa ka hadlay Gudoomiyha cusub ee "SYO" Cabdi Raxmaan Maxamed Tuuryare oo mahad celin balaaran oo uu usoo jeediyay maamulkii hore ka dib wax lagu farxo ku tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay manta la qabsatay xadaarada qarniga 21 aad kaa oo , midnimo, wada noolaasho ,iskaashi iyo isixtiraam ku dhisan arimahaas oo hadey sii joogtoobaan u horseedi kara umada Soomaaliyeed ho'umar iyo barwaaqo wuxuu yiri Cabdi Raxmaan " wadan aan dhalinyaradiisu shaqeyneyn wuxuu ka dhiganyahay qof aan wadnahiisu shaqeyneyn" isagoo intaa raaciyay in xilka maanta loodoortay ay si muslinimo iyo soomalinimo ku jirto ay uga soo bixi doonaan ilaahey idankii kana codsaday dhalinyarada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacmaha is qabsadaan oo aysan ku kala dhumin firqooyin iyo qabyaalad ku waa oo ah laba cudur oo halis ku ah hora utilaabsiga umada soomaaliyeed.
Waxaa iyaguna meesha kahadlay mas'uuliyiin maaulka cusub ka mid ah sida gudoomiyaha golaha marjaca AL ustaad maxamed cumar axmed asigoo ka dhawaajiyay in ay muhiimtahay wada shaqeyn ku dhisan walaalnimo iyo isixtiraam iyadoo isla markaana lala xisaabtami doono ruuxii wax u dhima habsami usocodka shaqada ururka waxaa iyaguna meesha ka hadlay gudoomiya ku xigeenka koowaad ee arimaha maamulka iyo faniga Al ustaad Axmed saciid Dukaale iyo G/ ku xigeenka labaad ee arimaha maaliyada iyo bulshada Al usataad cali cadaw sidoo kale waxaa ka hadlay xog hayaha guud ee cusub AL ustaad caamir ismaaciil iyagoo dhamaantood balan qaaday in xilka manta la saaray iyo ku dadaali doonaan in ay san dayacin ilaaheyna ka rajeyay in uu lagarab galo
source: SYO
email: soyoder_org@yahoo.com

Monday, July 21, 2008

Ururka "SYO" OO KA QEYBGALAY SHIR SANADEED CilMi OO CAALAMI AH





waxaa magalada qaahira ka dhacay bartamihii bishaan July oo aynu ku jirno shir cilmiyeed caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto kaa oo ay ka soo qeybgalaan shakhsiyaad heer caalami ah iyo hey'ado kale oo dawli ah shirkaan ayaa ah kii 10 banaad ayadoo ajandaha sanadkaanina uu ahaa " "warbaahinta caalamka waa mid u dhaxeysa mas'uuliyad iyo xuriyad" shirkaan waxaa soo agaasimay waziirka tacliinta sare ee dalka Msar iyo waziirka warbaahinta Hani hilaal iyo Anasal fiqi iyadoo ay qabanqaabada iyo fulintaba ay laheyd jaamacada Qahira oo furitaankii shirkaas uu qudbad dheer ka jeediyay Gudomiyaha jaamacada Qahira Dr Cali cabdi raxman asigoo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada shir cilmiyeedkaan.


shirkaan oo 3 maalmood socaday ayaa waxaa la gu soo bandhigay ilaa 28 baxsi oo ka waramaya maduucyo farabadan sida isbedelka ku yimid caalamka wixii ka danbeeyay 2001 iyo warbaahinta sida wanaagsan oo looga faaiideysan karo iyadoo la iska ilaalinayo saameynteeda aan wanaagsaneyn waxaana shirkaan uga qeybgalay Somaaliya wafdi laba xubnood ah oo ka socday ururka "SYO" oo kala ah C/aadir cumar cusmaan xog hayaha maaliyada iyo C/raxman tuuryare isku xiraha guud ee ururka waxaana gabagabadii shirkaan shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhawr qof oo intii shirku socday dawr wanaagsan ka ciyaaray hadey ahaan laheyd xagga mudaakhlaadka iyo xaga soojeedinta mawduucyo muhiim ah waxaana ka mid ahaa dadkii shahaada sharfka qaatay c/raxmaan tuuryare isku xiraha guud ee "SYO" ka dib markii uu halkaas ka jeediyay qudbad dheer oo uu uga hadlayo arimaha somaaliya gaar ahaan dawrka dhalinyarada soomaaliyeed iyo waxyaabaha ay higsanayaan si ay wax uga bedelaan xaaladaha qalafsan ee dalkoodu ku jiro asigoo ka codsaday warbaahinta carbeed iyo tan caalamkaba in ay diirada saaraan wax soomaaliya ka dhacaya si caalamku u fahmo waxa soomaalidu ilaa iminka ay u dawlad la'dahay oo ah faragelinta ay ku hayaan dawlado derisa iyo kuwa kale oo taageeraya oo aysan aheyn dhibaatada dhib yaala soomaalida dexdeeda oo kaliya ayadoo hadi soomaalida la isku deyn la haa ay mar hore wax wada qabsan lahaayeen....


gabagabdii shirka ayaa waxaa halkaas looga dhawaaqay hey'ad caalami ah oo ka shaqeyneysa daba galka iyo kormeerka warbaahinta caalamka si loola xisaabtamo hadey bulshada caalamka si aldan wax ugu gudbiyaan iaydoo sidoo kale war murtiyeed muhiim ah la ga soo saaray oo ugu baaqaya dawladaha caalamka in ay ka shaqeeyaan is fahanka xadaaradaha aduunka iyo ka hortaga iskudhac diimeed oo ka dhaca aduunka .
source : SYO

Saturday, July 12, 2008

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed"SYO" oo kulan kula yeeshay magaalada Qaahira madaxweynihii hore ee soomaaliya C/qasim Salad Xasan


Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed "SYO" ayaa kulan kula yeeshay Hoteelaka la yiraahdo Marindiyaal ee ku yaalal magaalada Qaahira madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr:C/qaasim Salad Xasan ujeedada kulankaan ayaa aheyd sida uu sheegay C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee Ururka, salaan iyo is wareysi ku aadan xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya.

madaxweynaha ka dib markii uu dhageystay warbixinta wafdigii ka socaday Ururka oo ay xubno ka ahaayeen mudane: C/qaadir Cumar Cusman oo ah xoghayaha ,maliyada ee Ururka iyo Al-ustad Maxamed Cumar Axmed oo ah qoraa iyo baare arimaha Soomaaliya xubina ka aha Uruka ayuu ku booriyay uruka in ay si wada jir ah u shaqeeyaan is kana ilaaliyaan qabyaalad iyo nin tooxsi taa oo soomaaliya dhigtay maanta halka ay taalo asigoo sidoo kale ka dhawaajiyay in ay dhalinyaradu dawr muhiim ah ka soo ciyaareen xurnima gaarsiintii soomaaliya hadana ay sidoo kale muhiimtahay in ururka dhalinyarada soomaaliyeed dawr muhiim ah uu ka cayaaro dib u soo celinta xurnimadii soomaaliya iyagoo sidoo kale ka qeybqaadanayay dejinta iyo badbaadinta shacabka soomaaliyeed kaa oo ay la soo derseen daruufo adadag oo xaga amaanka ah iyo noloshaba. C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee "SYO" ayaa sheegay in ay madaxwynaha kala sheekeysteen arimo farabadan intii lagu guda jiray kulankaa oo ku dhawaad hal saac qaatay iyadoo madax weynuhu si guud uga hadlay dhibaatada maanta ka socota dalka soomaaliya iyo asbaabihii keenay wuxuuna intaa raaciyay in uu mardhaw soo saari doono afar buug oo uu uga hadlayo taariikhda siyaasadeed ee dalka soomaaliya iyo waxyaabihii uu usoo joogay asigu. buugtaas waxaa kamid ah buug maalmo gudahood lagu daabici doono oo uu ugahsdlayo wixii dhacay 3dii sano ee uu madaxweynaha ahaa iyo jalaafooyinkii loo geestay dawladii soomaaliyeed. gabagabadii kulankaas ayaa madaxweynuhu urajeeyay ururka dhalinyarada soomaaliyeed guul asigoo ku booriyay ineysan ka daalin halganka ay ugu jiraan badbaadinta umada soomaaliyeed iyagoo ka fogaanaya waxyaabihii fashiliyay kuwii iyaga ka horeeyay.

URURKA DHALINYARADA SOOMAALIYEE "SYO" OO KA QEYB GALAY SHIR SANADEEDKII URURADA DHALINYARADA AFRIKA EE KA DHACAY MAGAALADA QAAHIRA


waxaa bishaan june ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar shirweynihii ururada dhalinyarada Afrika kaa oo ay ka soo qeybgaleen ururo dhalinyaro oo ka kala socday ku dhawaad 45 dawladood oo Afrikaan aha sidoo kale
waxaa goob joog ahaa heyado kale oo dawli ah kuwaa oo daneeyaya arimaha dhalinyarada aduunka iyadoo uu shirkaan soo qabanqaabiyay "pan african youth leadership" kaa oo hoostaga meadawga afrika. shirkaan ayaa ah kii labaad ayadoo kii kan ka horeeyana uu ka dhacay2007 magaalada Akra ee ah caasimadda dalak Gaana.
shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaayay wafdi ka socda ururka dhalinyarada Soomaaliyeed"SYO" oo uu hogaaminaayay C/raxmaan Tuuryare isku xiraha guud ee ururka isla markaana ay xubno ka ahaayeen mas'uuliyiin uu ka midyahay Xasan Haashim oo ah u qeybsanaha waxbarashada iyo arimaha bulshda shirkaan ayaa ajandaha sanadkaan lagu qaadaadhigeynaayay wuxuu ahaa "dawrka hogaamineed ee dhalinyarada afrika iyo ka qeybqaadashada dejinta xasaradaha ka aloosan qaaradda afrika iyadoo sidoo kale qodoba si gaar ah soomaaliya u quseeya looga dooday intii shirku socday oo aheyd 4 maalmood.sida uu sheegay Mudane C/raxman Turyare Soomaaliya waxaa lasiiyay waqti aad u dheer oo aan lasiin dawladaha kale ee ka soo qeybgelay shirka si uu wafdiga soomaalidu u soo gudbiyo dhibaatooyinka ka jira dalkooda gaar ahaan kuwa ku dhacaya dhalinyarada oo ah kuwa beri dalku ku baxsan lahaa iya adoo qodobada ugu muhiimsan ee quseynaayay soomaaliya lana soo saaray gabagabadii shirkaas ay ka mid ahaayeen.
1. in Soomaaliya loo diro gudi dhalinyaro oo afrikaan ah soona qiimeeya guud ahaan dhibaatada dalku ku jiro gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed asigoo la kaashanaayaya uruka dhalinyarada soomaaliyeed.
2. in la dhiiri geliyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen dawlda federaalka ah iyo isbaheysiga dib u xureynta soomaaliya si uu bilaw ugu noqdo soo dabaalidda nabadda soomaaliya
3. in medawga afrika iyo qaramada midowday ay dardargeliyaan keenista ciidama caalami ah ee la keeno dalak soomaaliya si ay u baxaan ciidanada itoobiya.
4. in hey'adaha samafalka afrika iyo kuwa caalamiga ahiba ay lagaaraan gargaar degdeg ah dadka soomaaliyeed ee ku barakacay soomaaliya ho la'aanta iyo gaajaduna ku heysato geedha hoostooda.shirkaan ayaa waxaa lagu soo beegay ka hor isbuuc shirka wadamada afrika ee ka dhici doona magaalada Sharmasheekh ee isla dalka Masar si madaxada Afrika loogu gudbiyo waxyaabaha ka soo baxay shirka dhalinyarada Afrika iyadoo gabagabadii shirka dhalinyarada halkaas lagu magacaabay gudi ka qeybgala shir madaxeedka afrika si ay ugu gudbiyaan talooyika dhalinyarada

URURKA SYO OO DOOD CILIMIYEED KU QABTAY MAGAALDA QAAHIRA.


Waxaa lagu qabtay Wadanka Masar dood cilmiyeed ey soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ( SYO) ee laga soo gaabshay "Somali Youth Organization", dood cilmiyeedkan oo Ciwaankeedu ahaa" dhalinyarada Somaaliyeed dhibaatooyinka maanta iyo yadadiilada mustaqbalka" ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhalinyaro badan oo Jaamacadaha Wadankani masar dhameystay qaarna ay ku guda jiraan waxaa lagu furay dood cilmiyeedkan aayado quraan,uu aqriyay Cabdi Raxmaan Gurey Quraanka kadib ayaa waxaa la siiyay qudbad kooban isku xiraha Guud ee Ururka Dhaliyada somaliyeed Cabdi Raxmaan Tuuryare asigoo sharaxaad ka bixiyay Ururka xiligii uu bilowday iyo u jeedooyinka uu leeyahay waxaana uu sheegay in ujeedkooda ugu wayn uu yahay sidii dhliyarada Somaaliyeed la isugu xiri lahaa meelkasto ay joogaan loona midayn lahaa si markaas meesha looga saaro qabyaalada iyo kala qoqobnaanta haysata .

Cabdi raxaam waxaa uu sheegay Uruka dhaliyada Soomaaliyeed inuu xubin ka yahay Urur Gobaleedyo iyo Ururo caalami ah ayna ka qeyb galeen shirar badan oo ka dhacay dunida dacaladeeda ayagoo geeyay codka Dhaliyada somaaliyeed Goobihii ay ka dhaceen shirarkasi, Intaas kadib waxaa la siiyay hadalkii Shikh Yuusuf Xuseen jmcaalle oo ka hadlay qabyaalada iyo dhibaatada ay ku hayso dhaliyarada Soomaaliyeed asigoo sheegay in ay cibro ugu filantahay umada Soomaaliyeed 18 sano wax ay kala kulmeen Qabyaaladda.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Saalax Macalin (Saalax Dheere) oo ah Xogyaha guud ee Ururka isla markaana ahaay xiriiriyaha dood cilmiyeedka,wuxuuna ku booriyay dhalinyarada inay iskaashi iyo wax wada qabsi muujiyaan isla markaana ka fogaadaan Qabyaalad iyo waxii kal geynaya umadda asagoo sheegay inay dhalin yaradu lafdhabar u yahiin bulshada loona baahanyahay inay hormuud u noqdaan horumarka dalka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka C/llaahi Yusuf SH. Nur(khadar) oo ku soo dhaweeyay dood cilmiyeedkan dhalinyaradii ka soo qeyb gashay asigoo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasto oo umada Soomaaliyeed u horseedaysa wanaag ayna diyaar u yihiin in ay wax ku darsadaan lana midoobaan si dhibatada looga saaro dhalinyarada Soomaaliyeed loona helo dhaliyaro aaminsan in ay wax qabsan karaan daacadna u ah Dadkooda iyo Dalkaooda .Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay dood cilmiyeedkan ayaa dhamaan isla gartay in ay muhiim tahay in la isla shaqeeyo lagana baxo qabyaalada aan dhamaadka lahayn ee haysata ayagoo soo dhaweeyay howsha ay bilaabeen Uruka Dhaliyarada Somaaliyeed kuna wada balamay in howsha la isla wado lana mideeyo dadaalada ay wadaan dhamaan bahda wax barata lana gacan qabto inta aan waxbaran ee ku dhaqaman Wadanka Masar si loo helo maskax wanaagasan ee wax fahmeysa waxaana uu ku dhamaaday dood cilmiyeedkii jawi wanaagsan ayadoo dhamaan dhalinyaradii ka soo qeyb gashay ay salaan isla dhex mareen ayadoo ay ka muuqatao farxad .

Ururka dhalinyrada Soomaaliyeed waxaa la aas aasay 2000 waana urur ka hawl gala dalal kala duwan oo ay ku badanyihii dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax barata sida Sudaan,Yaman, Masar,Maleesiya,Baakistaan iyo kuwa kale, sidoo kale waxey hawlo ka bilaabeen mar dhaw gudaha wadanka soomaaliya iyagoo ku hawlan dhisida xarumo lagu taba baro dhalinyarada laguna wacyi geliyo.

soyoder_org@yahoo.com


http://www.soyoderblogspot.com/

W/Q Da'uud Cali Sheekh
xigasha muqaal.com

URUR DHALINYARO OO CUSUB

DHALINYARADA WACYIGELEINTOODA WAA MUHIIM.GACMO WADAJIR BAY WAX GOYN KARAAN

Wednesday, July 2, 2008

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed"SYO" oo kulan kula yeeshay magaalada Qaahira madaxweynihii hore ee soomaaliya C/qasim Salad Xasan





Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed "SYO" ayaa kulan kula yeeshay Hoteelaka la yiraahdo Marindiyaal ee ku yaalal magaalada Qaahira madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr:C/qaasim Salad Xasan ujeedada kulankaan ayaa aheyd sida uu sheegay C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee Ururka, salaan iyo is wareysi ku aadan xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya.

madaxweynaha ka dib markii uu dhageystay warbixinta wafdigii ka socaday Ururka oo ay xubno ka ahaayeen mudane: C/qaadir Cumar Cusman oo ah xoghayaha ,maliyada ee Ururka iyo Al-ustad Maxamed Cumar Axmed oo ah qoraa iyo baare arimaha Soomaaliya xubina ka aha Uruka ayuu ku booriyay uruka in ay si wada jir ah u shaqeeyaan is kana ilaaliyaan qabyaalad iyo nin tooxsi taa oo soomaaliya dhigtay maanta halka ay taalo asigoo sidoo kale ka dhawaajiyay in ay dhalinyaradu dawr muhiim ah ka soo ciyaareen xurnima gaarsiintii soomaaliya hadana ay sidoo kale muhiimtahay in ururka dhalinyarada soomaaliyeed dawr muhiim ah uu ka cayaaro dib u soo celinta xurnimadii soomaaliya iyagoo sidoo kale ka qeybqaadanayay dejinta iyo badbaadinta shacabka soomaaliyeed kaa oo ay la soo derseen daruufo adadag oo xaga amaanka ah iyo noloshaba.

C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee "SYO" ayaa sheegay in ay madaxwynaha kala sheekeysteen arimo farabadan intii lagu guda jiray kulankaa oo ku dhawaad hal saac qaatay iyadoo madax weynuhu si guud uga hadlay dhibaatada maanta ka socota dalka soomaaliya iyo asbaabihii keenay wuxuuna intaa raaciyay in uu mardhaw soo saari doono afar buug oo uu uga hadlayo taariikhda siyaasadeed ee dalka soomaaliya iyo waxyaabihii uu usoo joogay asigu. buugtaas waxaa kamid ah buug maalmo gudahood lagu daabici doono oo uu uga hadlayo wixii dhacay 3dii sano ee uu madaxweynaha ahaa iyo jalaafooyinkii loo geestay dawladii soomaaliyeed.

gabagabadii kulankaas ayaa madaxweynuhu urajeeyay ururka dhalinyarada soomaaliyeed guul asigoo ku booriyay ineysan ka daalin halganka ay ugu jiraan badbaadinta umada soomaaliyeed iyagoo ka fogaanaya waxyaabihii fashiliyay kuwii iyaga ka horeeyay.

Tuesday, July 1, 2008

uruka dhalinyarada somalyeed SYO oo ka qeeb galay shir sanadeedkii ururka shalinyarada africa ee ka dhacay maglada qahira

waxaa bishaan june ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar shirweynihii ururada
dhalinyarada Afrika kaa oo ay ka soo qeybgaleen ururo dhalinyaro oo ka kala socday ku dhawaad 45 dawladood oo Afrikaan aha


sidoo kale waxaa goob joog ahaa heyado kale oo dawli ah kuwaa oo daneeyaya arimaha dhalinyarada aduunka iyadoo uu shirkaan soo qabanqaabiyay "pan african youth leadership" kaa oo hoostaga meadawga afrika.


shirkaan ayaa ah kii labaad ayadoo kii kan ka horeeyana uu ka dhacay2007 magaalada Akra ee ah caasimadda dalak Gaana.shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaayay wafdi ka socda ururka dhalinyarada Soomaaliyeed"SYO" oo uu hogaaminaayay C/raxmaan Tuuryare isku xiraha guud ee ururka isla markaana ay xubno ka ahaayeen mas'uuliyiin uu ka midyahay Xasan Haashim oo ah u qeybsanaha waxbarashada iyo arimaha bulshda shirkaan ayaa ajandaha sanadkaan lagu qaadaadhigeynaayay wuxuu ahaa "dawrka hogaamineed ee dhalinyarada afrika iyo ka qeybqaadashada dejinta xasaradaha ka aloosan qaaradda afrika iyadoo


sidoo kale qodoba si gaar ah soomaaliya u quseeya looga dooday intii shirku socday oo aheyd 4 maalmood.sida uu sheegay Mudane C/raxman Turyare Soomaaliya waxaa lasiiyay waqti aad u dheer oo aan lasiin dawladaha kale ee ka soo qeybgelay shirka si uu wafdiga soomaalidu u soo gudbiyo dhibaatooyinka ka jira dalkooda gaar ahaan kuwa ku dhacaya dhalinyarada oo ah kuwa beri dalku ku baxsan lahaa iya adoo qodobada ugu muhiimsan ee quseynaayay soomaaliya lana soo saaray gabagabadii shirkaas ay ka mid ahaayeen.


1. in Soomaaliya loo diro gudi dhalinyaro oo afrikaan ah soona qiimeeya guud ahaan dhibaatada dalku ku jiro gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed asigoo la kaashanaayaya uruka dhalinyarada soomaaliyeed.


2. in la dhiiri geliyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen dawlda federaalka ah iyo isbaheysiga dib u xureynta soomaaliya si uu bilaw ugu noqdo soo dabaalidda nabadda soomaaliya


3. in medawga afrika iyo qaramada midowday ay dardargeliyaan keenista ciidama caalami ah ee la keeno dalak soomaaliya si ay u baxaan ciidanada itoobiya.


4. in hey'adaha samafalka afrika iyo kuwa caalamiga ahiba ay lagaaraan gargaar degdeg ah dadka soomaaliyeed ee ku barakacay soomaaliya ho la'aanta iyo gaajaduna ku heysato geedha hoostooda.


shirkaan ayaa waxaa lagu soo beegay ka hor isbuuc shirka wadamada afrika ee ka dhici doona magaalada Sharmasheekh ee isla dalka Masar si madaxada Afrika loogu gudbiyo waxyaabaha ka soo baxay shirka dhalinyarada Afrika iyadoo gabagabadii shirka dhalinyarada halkaas lagu magacaabay gudi ka qeybgala shir madaxeedka afrika si ay ugu gudbiyaan talooyika dhalinyarada soyoder_org@yahoo.com