Saturday, July 12, 2008

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed"SYO" oo kulan kula yeeshay magaalada Qaahira madaxweynihii hore ee soomaaliya C/qasim Salad Xasan


Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed "SYO" ayaa kulan kula yeeshay Hoteelaka la yiraahdo Marindiyaal ee ku yaalal magaalada Qaahira madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr:C/qaasim Salad Xasan ujeedada kulankaan ayaa aheyd sida uu sheegay C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee Ururka, salaan iyo is wareysi ku aadan xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya.

madaxweynaha ka dib markii uu dhageystay warbixinta wafdigii ka socaday Ururka oo ay xubno ka ahaayeen mudane: C/qaadir Cumar Cusman oo ah xoghayaha ,maliyada ee Ururka iyo Al-ustad Maxamed Cumar Axmed oo ah qoraa iyo baare arimaha Soomaaliya xubina ka aha Uruka ayuu ku booriyay uruka in ay si wada jir ah u shaqeeyaan is kana ilaaliyaan qabyaalad iyo nin tooxsi taa oo soomaaliya dhigtay maanta halka ay taalo asigoo sidoo kale ka dhawaajiyay in ay dhalinyaradu dawr muhiim ah ka soo ciyaareen xurnima gaarsiintii soomaaliya hadana ay sidoo kale muhiimtahay in ururka dhalinyarada soomaaliyeed dawr muhiim ah uu ka cayaaro dib u soo celinta xurnimadii soomaaliya iyagoo sidoo kale ka qeybqaadanayay dejinta iyo badbaadinta shacabka soomaaliyeed kaa oo ay la soo derseen daruufo adadag oo xaga amaanka ah iyo noloshaba. C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee "SYO" ayaa sheegay in ay madaxwynaha kala sheekeysteen arimo farabadan intii lagu guda jiray kulankaa oo ku dhawaad hal saac qaatay iyadoo madax weynuhu si guud uga hadlay dhibaatada maanta ka socota dalka soomaaliya iyo asbaabihii keenay wuxuuna intaa raaciyay in uu mardhaw soo saari doono afar buug oo uu uga hadlayo taariikhda siyaasadeed ee dalka soomaaliya iyo waxyaabihii uu usoo joogay asigu. buugtaas waxaa kamid ah buug maalmo gudahood lagu daabici doono oo uu ugahsdlayo wixii dhacay 3dii sano ee uu madaxweynaha ahaa iyo jalaafooyinkii loo geestay dawladii soomaaliyeed. gabagabadii kulankaas ayaa madaxweynuhu urajeeyay ururka dhalinyarada soomaaliyeed guul asigoo ku booriyay ineysan ka daalin halganka ay ugu jiraan badbaadinta umada soomaaliyeed iyagoo ka fogaanaya waxyaabihii fashiliyay kuwii iyaga ka horeeyay.

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com