Monday, July 21, 2008

Ururka "SYO" OO KA QEYBGALAY SHIR SANADEED CilMi OO CAALAMI AH





waxaa magalada qaahira ka dhacay bartamihii bishaan July oo aynu ku jirno shir cilmiyeed caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto kaa oo ay ka soo qeybgalaan shakhsiyaad heer caalami ah iyo hey'ado kale oo dawli ah shirkaan ayaa ah kii 10 banaad ayadoo ajandaha sanadkaanina uu ahaa " "warbaahinta caalamka waa mid u dhaxeysa mas'uuliyad iyo xuriyad" shirkaan waxaa soo agaasimay waziirka tacliinta sare ee dalka Msar iyo waziirka warbaahinta Hani hilaal iyo Anasal fiqi iyadoo ay qabanqaabada iyo fulintaba ay laheyd jaamacada Qahira oo furitaankii shirkaas uu qudbad dheer ka jeediyay Gudomiyaha jaamacada Qahira Dr Cali cabdi raxman asigoo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada shir cilmiyeedkaan.


shirkaan oo 3 maalmood socaday ayaa waxaa la gu soo bandhigay ilaa 28 baxsi oo ka waramaya maduucyo farabadan sida isbedelka ku yimid caalamka wixii ka danbeeyay 2001 iyo warbaahinta sida wanaagsan oo looga faaiideysan karo iyadoo la iska ilaalinayo saameynteeda aan wanaagsaneyn waxaana shirkaan uga qeybgalay Somaaliya wafdi laba xubnood ah oo ka socday ururka "SYO" oo kala ah C/aadir cumar cusmaan xog hayaha maaliyada iyo C/raxman tuuryare isku xiraha guud ee ururka waxaana gabagabadii shirkaan shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhawr qof oo intii shirku socday dawr wanaagsan ka ciyaaray hadey ahaan laheyd xagga mudaakhlaadka iyo xaga soojeedinta mawduucyo muhiim ah waxaana ka mid ahaa dadkii shahaada sharfka qaatay c/raxmaan tuuryare isku xiraha guud ee "SYO" ka dib markii uu halkaas ka jeediyay qudbad dheer oo uu uga hadlayo arimaha somaaliya gaar ahaan dawrka dhalinyarada soomaaliyeed iyo waxyaabaha ay higsanayaan si ay wax uga bedelaan xaaladaha qalafsan ee dalkoodu ku jiro asigoo ka codsaday warbaahinta carbeed iyo tan caalamkaba in ay diirada saaraan wax soomaaliya ka dhacaya si caalamku u fahmo waxa soomaalidu ilaa iminka ay u dawlad la'dahay oo ah faragelinta ay ku hayaan dawlado derisa iyo kuwa kale oo taageeraya oo aysan aheyn dhibaatada dhib yaala soomaalida dexdeeda oo kaliya ayadoo hadi soomaalida la isku deyn la haa ay mar hore wax wada qabsan lahaayeen....


gabagabdii shirka ayaa waxaa halkaas looga dhawaaqay hey'ad caalami ah oo ka shaqeyneysa daba galka iyo kormeerka warbaahinta caalamka si loola xisaabtamo hadey bulshada caalamka si aldan wax ugu gudbiyaan iaydoo sidoo kale war murtiyeed muhiim ah la ga soo saaray oo ugu baaqaya dawladaha caalamka in ay ka shaqeeyaan is fahanka xadaaradaha aduunka iyo ka hortaga iskudhac diimeed oo ka dhaca aduunka .
source : SYO

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com