Tuesday, July 1, 2008

uruka dhalinyarada somalyeed SYO oo ka qeeb galay shir sanadeedkii ururka shalinyarada africa ee ka dhacay maglada qahira

waxaa bishaan june ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar shirweynihii ururada
dhalinyarada Afrika kaa oo ay ka soo qeybgaleen ururo dhalinyaro oo ka kala socday ku dhawaad 45 dawladood oo Afrikaan aha


sidoo kale waxaa goob joog ahaa heyado kale oo dawli ah kuwaa oo daneeyaya arimaha dhalinyarada aduunka iyadoo uu shirkaan soo qabanqaabiyay "pan african youth leadership" kaa oo hoostaga meadawga afrika.


shirkaan ayaa ah kii labaad ayadoo kii kan ka horeeyana uu ka dhacay2007 magaalada Akra ee ah caasimadda dalak Gaana.shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaayay wafdi ka socda ururka dhalinyarada Soomaaliyeed"SYO" oo uu hogaaminaayay C/raxmaan Tuuryare isku xiraha guud ee ururka isla markaana ay xubno ka ahaayeen mas'uuliyiin uu ka midyahay Xasan Haashim oo ah u qeybsanaha waxbarashada iyo arimaha bulshda shirkaan ayaa ajandaha sanadkaan lagu qaadaadhigeynaayay wuxuu ahaa "dawrka hogaamineed ee dhalinyarada afrika iyo ka qeybqaadashada dejinta xasaradaha ka aloosan qaaradda afrika iyadoo


sidoo kale qodoba si gaar ah soomaaliya u quseeya looga dooday intii shirku socday oo aheyd 4 maalmood.sida uu sheegay Mudane C/raxman Turyare Soomaaliya waxaa lasiiyay waqti aad u dheer oo aan lasiin dawladaha kale ee ka soo qeybgelay shirka si uu wafdiga soomaalidu u soo gudbiyo dhibaatooyinka ka jira dalkooda gaar ahaan kuwa ku dhacaya dhalinyarada oo ah kuwa beri dalku ku baxsan lahaa iya adoo qodobada ugu muhiimsan ee quseynaayay soomaaliya lana soo saaray gabagabadii shirkaas ay ka mid ahaayeen.


1. in Soomaaliya loo diro gudi dhalinyaro oo afrikaan ah soona qiimeeya guud ahaan dhibaatada dalku ku jiro gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed asigoo la kaashanaayaya uruka dhalinyarada soomaaliyeed.


2. in la dhiiri geliyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen dawlda federaalka ah iyo isbaheysiga dib u xureynta soomaaliya si uu bilaw ugu noqdo soo dabaalidda nabadda soomaaliya


3. in medawga afrika iyo qaramada midowday ay dardargeliyaan keenista ciidama caalami ah ee la keeno dalak soomaaliya si ay u baxaan ciidanada itoobiya.


4. in hey'adaha samafalka afrika iyo kuwa caalamiga ahiba ay lagaaraan gargaar degdeg ah dadka soomaaliyeed ee ku barakacay soomaaliya ho la'aanta iyo gaajaduna ku heysato geedha hoostooda.


shirkaan ayaa waxaa lagu soo beegay ka hor isbuuc shirka wadamada afrika ee ka dhici doona magaalada Sharmasheekh ee isla dalka Masar si madaxada Afrika loogu gudbiyo waxyaabaha ka soo baxay shirka dhalinyarada Afrika iyadoo gabagabadii shirka dhalinyarada halkaas lagu magacaabay gudi ka qeybgala shir madaxeedka afrika si ay ugu gudbiyaan talooyika dhalinyarada soyoder_org@yahoo.com

No comments: