
Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa doortay maa mul cusub kadib 5 sano oo uu xilka soohaayay maamulkii hore iyadoo uu ururku fulinayo waxa ugu qoran xeer hoosaadka iyo sharciyada ay kuwada shaqeeyaan ku waa oo qeexaya in shan sanoo kastaba maamul cusub la doorto ama kii hore loo cubooneysiiyo uruka.
27 bishaan july 2008 ayaa waxaa loo doortay in ay shanta sanoo soo socota hogaamiyaan dhalinyaro aqoonyahano ah oo intoodabadan cusub oo aanan ka mid aheyn maamulkii hore ee xilka wareejiyay iya doo ururku fursad siinayo Dhlinyarada firfircoon ku waa oo wax weyn ka bedeli kara hawlaha ururka iyadoo sidoo kale la tusaayo soomaalida iyo bulsha weynta caalamka iyo dhalinyarta loo shaqeynaayaba in aw san jirin
maamul isku dhejinaaya waxii shalay loo dhiibtay taa oo beryahaan danbe ku yareed guud ahaan Afrika gaar ahaan Dalkeena Soomaaliya.Gudoomiyihii hore ee "SYO" Cabdulaahi Yuusuf Sheikh nuur "khadar" ayaa mar uu ka hadlaayay xafladii xil wareejinta wuxuu yiri " inaga shalay xilkaan waa naloo dhiibay waan soo shaqeynay iyadoo cidna aysan mushaar nagu siineyn waxaan soo gaarsiinay ururkka meel ilaa xad lagu farxi karo maantana waxaan diyaar unahay in aan xilka idinku wareejino anagoon taa dhib u arag bal u aragna hor'umar iyo farxad waana wax aan lagu aqoonin mas'uuliyiintii hore ee dalkeena soomaaliya ilaa hal madaxweyne mooyee oo ah Aadan Cabdule Cusman"
Waxaa asna ka hadlay xaflada xoghayihii guudee hore ee "SYO" Saalax Macalin Abuubakr asigoo kadhawaajiyay in ay manta wax lagu farxo taghay in dhalinyaradii Soomaaliyeed si dimuquraadi ah xilka isagu dooranayaan ugana degayaan taa oo aan looga baran odayaasha ayuu yuri saalax dheere sidoo kale xoghayihii maaliyada ee hore c/qaadir cumar cusmaan ayaa meesha ka hadlay asigoo la dardaarmay mamulka cusub.
Waxaa ugu danbeyntii halkaa ka hadlay Gudoomiyha cusub ee "SYO" Cabdi Raxmaan Maxamed Tuuryare oo mahad celin balaaran oo uu usoo jeediyay maamulkii hore ka dib wax lagu farxo ku tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay man
ta la qabsatay xadaarada qarniga 21 aad kaa oo , midnimo, wada noolaasho ,iskaashi iyo isixtiraam ku dhisan arimahaas oo hadey sii joogtoobaan u horseedi kara umada Soomaaliyeed ho'umar iyo barwaaqo wuxuu yiri Cabdi Raxmaan " wadan aan dhalinyaradiisu shaqeyneyn wuxuu ka dhiganyahay qof aan wadnahiisu shaqeyneyn" isagoo intaa raaciyay in xilka maanta loodoortay ay si muslinimo iyo soomalinimo ku jirto ay uga soo bixi doonaan ilaahey idankii kana codsaday dhalinyarada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacmaha is qabsadaan oo aysan ku kala dhumin firqooyin iyo qabyaalad ku waa oo ah laba cudur oo halis ku ah hora utilaabsiga umada soomaaliyeed.Waxaa iyaguna meesha kahadlay mas'uuliyiin maaulka cusub ka mid ah sida gudoomiyaha golaha marjaca AL ustaad maxamed cumar axmed asi
goo ka dhawaajiyay in ay muhiimtahay wada shaqeyn ku dhisan walaalnimo iyo isixtiraam iyadoo isla markaana lala xisaabtami doono ruuxii wax u dhima habsami usocodka shaqada ururka waxaa iyaguna meesha ka hadlay gudoomiya ku xigeenka koowaad ee arimaha maamulka iyo faniga Al ustaad Axmed saciid Dukaale iyo G/ ku xigeenka labaad ee arimaha maaliyada iyo bulshada Al usataad cali cadaw sidoo kale wax
aa ka hadlay xog hayaha guud ee cusub AL ustaad caamir ismaaciil iyagoo dhamaantood balan qaaday in xilka manta la saaray iyo ku dadaali doonaan in ay san dayacin ilaaheyna ka rajeyay in uu lagarab galosource: SYO
email: soyoder_org@yahoo.com




bixinta wafdigii ka socaday Ururka oo ay xubno ka ahaayeen mudane: C/qaadir Cumar Cusman oo ah xoghayaha ,maliyada ee Ururka iyo Al-ustad Maxamed Cumar Axmed oo ah qoraa iyo baare arimaha Soomaaliya xubina ka aha Uruka ayuu ku booriyay uruka in ay si wada jir ah u shaqeeyaan is kana ilaaliyaan qabyaalad iyo nin tooxsi taa oo soomaaliya dhigtay maanta halka ay taalo asigoo sidoo kale ka dhawaajiyay in ay dhalinyaradu dawr muhiim ah ka soo ciyaareen xurnima gaarsiintii soomaaliya hadana ay sidoo kale muhiimtahay in ururka dhalinyarada soomaaliyeed dawr muhiim ah uu ka cayaaro dib u soo celinta xurnimadii soomaaliya iyagoo sidoo kale ka qeybqaadanayay dejinta iyo badbaadinta shacabka soomaaliyeed kaa oo ay la soo derseen daruufo adadag oo xaga amaanka ah iyo noloshaba. C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee "SYO" ayaa sheegay in ay madaxwynaha kala sheekeysteen arimo farabadan intii lagu guda jiray kulankaa oo ku dhawaad hal saac qaatay iyadoo madax weynuhu si guud uga hadlay dhibaatada maanta ka socota dalka soomaaliya iyo asbaabihii keenay wuxuuna intaa raaciyay in uu mardhaw soo saari doono afar buug oo uu uga hadlayo taariikhda siyaasadeed ee dalka soomaaliya iyo waxyaabihii uu usoo joogay asigu. buugtaas waxaa kamid ah buug maalmo gudahood lagu daabici doono oo uu uga
hsdlayo wixii dhacay 3dii sano ee uu madaxweynaha ahaa iyo jalaafooyinkii loo geestay dawladii soomaaliyeed. gabagabadii kulankaas ayaa madaxweynuhu urajeeyay ururka dhalinyarada soomaaliyeed guul asigoo ku booriyay ineysan ka daalin halganka ay ugu jiraan badbaadinta umada soomaaliyeed iyagoo ka fogaanaya waxyaabihii fashiliyay kuwii iyaga ka horeeyay.



